26th July 2024  admin  Category :

Dawladda Qatar ayaa uggu deegday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya 68 gaari oo ah kuwa ciidanka ay isticmaalaan. Hadaba, gawaarida miletariga ee loo keenay dawladda ayaa ah gawaari waqti dheer la soo isticmaalayey amaba ah macmil.

Inta badan, dawladdaha Khaliijka ayaa ulla dhaqma shacabka Soomaaliyeed si aan wannaagsaneen. Tusaale, dawladda Imaaraadka ayaa dhawaan markii la doortay Abi Ahmedka Itoobiya waxa ay siiyeen lacag dhan 3 Bilyan oo doolar.

Meesha dawladda Qatar ay u iibiyeen diyaarad kuwa raaxada ah Madaxweeynaha Turkiga Erdogan taas oo ku kacday lacag dhan 500 oo milyan oo doolar.

Sidoo kalle, Dawaladda Imaaraadka waxeey siisay dalka Bakistaan 3 bilyan oo doolar taas oo isugu jirta deeq iyo deeyn.

Imaaraadka wuxuu siiyey dalka Masar lacag dhan 4 bilyan oo doolar.

Sidoo kalle dalka Jordan markii maalmihii dhawaa ay ka dhaceen mudaaharaadyada waxaa dawladdaha Khaliijka ay siiyeen 2.5 bilyan oo doolar.

Sacuudiga sidoo kalle wuxuu siiyey Masar lacag dhan 2 bilyan oo doolar.

Kuma soo koobi karno halkan lacagaha ay dawladdaha Khaliijka ay siiyeen wadamo badan oo ka mid ah adduunka. Hadaba, gawaarida maanta la keenay ee ah 68da xabbo waxa qiimahooda uu ku kacayaa in ka yar 1 milyan oo doolar.

Maanta Soomaaliya waxa ay u baahan tahay taageero dhab ah, balse uma baahna wax aan meelna gaarsiineen.

Maanta haddii la sammeeyo ciidan Soomaaliyeed oo gaaraya labaatan kun 20,000, oo midkiiba la siiyo 400 oo doolar bishii waxeey noqoneeysaa siddeed milyan 8 milyan oo doolar, marka laggu darro 20 milyan oo shiddaalkooda, raashinkooda, iyo qarashiyaadkooda kalle ee yar yar isku dar waa 28 milyan oo doolar bishii.

Haddii afar sanno si wannaagsan Soomaaliya loo caawiyo ciidankeeda, waxaa ku filnaanaya hal bilyan iyo bar. Haddii dawladdaha Imaaraadka, Kuweeyt, Qatar, iyo Sacuudiga ay qeeybsadaan, halkii waddan waxaa ku soo aadaya 375 milyan oo doolar.

Hal diyaarad ayaa laga bixiyey 500 oo milyan, meesha dalalka kallena la siiyey ballaayiin doolar. Soomaaliya oo ka mid ah Ururka Jaamacadda Carabtana waxa ay aheed in la siiyo intaa iyo in kabadan, laakiin in lagula wareego maalin kasta xooggaa yar oo saddaqo ah oo aan meelna gaarsiineen waa ayaan darro.

Hadaba, dawladda federaaka ayeey tahay ineey la timaaddo qorsha cad taas oo loo soo bandhigayo dhammaan xubnaha ku jirra Ururka Jaamacadda Carabta si Soomaaliya si dhab ah loogu caawiyo siddii ay ugga bixi laheed mushkiladaha hor yaal maanta, balse aragtidaa waa mid looga baahan yahay ineey la yimaadaan madaxda maanta dalka ka tallisa.

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*