26th April 2024  admin  Category :

Lix qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday garoonka Bardaale

Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA u sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.

Sababta dhalisay inay diyaaradda soo dhacdo ayaa la baarayaa.

Diyaaraddan ayaa daawo iyo agab kale oo ay ka mid yihiin sesenyeeri u sidday magaalada Bardaale.

Mas’uul ka tiran shirkadda diyaaradaha Afarican Express ayaa idaacadda VOA u sheegay in diyaaradda ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.

Wararka aanu ka helnay laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday meel u dhow garoonka.

Diyaaraddda ayaa ka kacday magaalada Mudishu iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kaidbna uga gudubtay magaalada Bardaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*