27th April 2024  admin  Category :

 

Nin iyo Xaaskiisa oo ka  wada mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya

Kn: 48 dii saac ee ugu dambeeyey waxaa siyaabo kala duwan meelo kala duwan dalka loogu doortey lamaane is qaba oo ah nin iyo xaaskiisa, waxayna arrintani ka mid tahay waxyaabaha qariibka ah ee kasoo kordhey doorashadan dadban ee 2016-ka.

 

Maanta waxaa magaalada Jowhar lagu doortey Drs Mina Xasan Maxamed (Shibbis) oo kasoo jeeda beesha Galmaax, ee Abgaal.

Waxaase xiiso mudan in ninkeeda Xasan Ibraahim Maxamed , oo kasoo jeeda beesha Ajuuraan habeen madoow lagu doortey magaalada Baydhabo habeen hore oo ay taariikhda ku beegneyd 30kii November, 2016-ka.

Muna Xasan Shibbis waxa ay leedahay hoteelka caanka ah ee lagu magacaabo Global ee ku yaala meel u dhow Kiilo Mitibir Eber (KM0) ama xaruntii hore ee FIAT, kana agdhow xarunta sordoonka qaranka.

Waxaa aad loogu xusuustaa dagaalkii lagu hoobtey ee dhexmaray hoggaamiye kooxeedyada Bashiir Raagge Shiiraar iyo Muuse Suudi Yalaxoow, sanadkii 2004-tii, dagaalkaasi oo ka biloowdey hotel Global.

Wararka aan heleyno waxaa ka mid ah ergadii beesha Ajuuraan ee saxda ahayd laga reebey in codka bixiyaan, halka la xareeyey ergo cusub, balse arrintaasi lama xaqiijinin.

Mina ayaa ku guuleysatay 27 cod oo wareegii koowaad ay kaga adkaatay qofkii la tartamayay Bakiin Maaxi Macalin oo isna heshey 24 cod.

KismaayoNews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*