26th March 2024  admin  Category :

Madaxda ugu saraysa  Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa  ka hadlay Boobka iyo xaq darada ka socota Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey  iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa maanta gelinkii danbe 01 December 2016  shir jaraa’id oo ay siwada jira ugu qabteen madaxtooyada garoowe waxa ay sharci daro ku tilmaamen majarahababinta ay ku wado madaxda Dawladda fadaraalka Soomaliya go’aankii madasha wada tashiga qaran ee awood qaybsiga baarlamaanka Soomaliya.

Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay in masuuliyiinta Dawladda fadaraalka Soomaaliya ay jebiyeen heshiiskii madasha wadatashiga qaran ee lagaga heshiiyey awood qaybsiga aqalka sare gobolada waqooyiga Soomaaliya, isla markaana ay si sharci daro ah u faquuqeen heshiiskii madasha wadatashiga.

” marka ugu horaysa waxaanu u cadaynaynaa shacabka Puntland go’aankii ay qaadatay Dawladda Puntland inuu ahaa go’aan ay u dhanyihiin golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta, waxaa taa keenaysa quwada iyo culayska siyaasadeed ee ay leedahay go’aamada aan waxba ka jirin ee laga wado dawladda fadaraalka, kuraastan Habraac waxa ay lahaayeen  Xeer iyo Heshiis lagu heshiiyay oo madashu kuwada heshiisay, wixii ka duwan marnaba sharci ma noqonayaan,Waxaad ka war haysaan Jawaari warqadii uu arrimahan ka qoray waa warqadii lixaad ee uu qoro oo aan sharci aheyn. Hal qof in uu ku tasarufo awooda madasha oo dhan ay wada leedahay waxaan u aragnaa inay tahay majarahabaabin iyo carqaladeyn iyo ragii aan rabin in dowladd federaal ah la helo in la taageeray, ugu danbayn waxaanu caydaynaynaa inaanay marnaba naga suuroobayn inaanu aqbalno sharci darada iyo majara habaabinta lagu wado masiirka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Dawllada puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey

img_8057

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed cali xaashi ayaa sheegay in aany marnaba suurobayn in waxlaga bedelo go’aankii madasha wadatashiqa qaran, laguna qayb saday awood qaybsiga Xubnaha Aqalka sare ee gobolada waqooyiga Soomaaliya, Puntland-na aanay aqbalayn majara hababinta mustaqbalka doorashada Soomaaliya.

img_8096

” waxaa lagu heshiiyey madasha qaranka heshiis dhamaystiran oo dhinacyo badan leh, waxaa dhacday in lamajara habaabiyey loona samaystay habraac aan sharci ahayn, waxaa sharci ah in lahelo waxii madashu ku heshiisey, waxaa aqalka sare ee gobolada waqooyi Soomaaliya loogu qaybiyey sicad oo waadixa, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa looqoon deeyey sadex xubnood, sidii madasha lagaga heshiiyeyna lagu dooran donaah xubnahaasi Muqdisho, balsii hadii ay majara habaabiyey dad leh dana gaara waxaa sharci ah in lagu doorto Garoowe, Dawladda Puntland waxaa markasta ka go’an inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaliya iyo isu keenida ummada Soomaliyeed sidaa awgeed waxaanu ka digaynaa wax kasta oo lid ku ah horumarka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*