19th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Maaliyadda ee DF, Ca/raxmaan Bayle, ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ay soo daabici lahaayeen lacagta shillin Soomaaliga ah, balse aysan wadda heeyn lacagtii lagu soo daabici lahaa.

 Lacagta daabacaadda ayuu ku sheegay ineey tahay $42 milyan oo doolar, meesha uu sheegay ineey hayaan kalla bar lacagtaas oo ah $21 milyan oo doolar. Hadaba, su’aasha meesha taal ayaa ah, miyaa loo waayey lacag lagu soo daabaco lacagta shilin Soomaaliga?

Hadaba, dawladda ayaa dhawaan iibsatay dhisme ku yaal dalka Mareeykanka oo ay ugu tallagashay safaaradda ku taal dalka Mareeykanka, waxeeyna ku iibsatay afar milyan iyo toddobo boqol oo kun oo doolar, $4700,000.  Waxaan la soconaa in dawladdii horre ee Kacaanka, oo awood u laheeyd ineey iibsato guri aysan iibsan, iyada oo eegeeysa baahiyahay kalle ee markaa taagnaa.

Waxaa iyana dawladda ay lacago ku bixisay taallooyin ay ka mid yihiin Dhagaxtuur, Xaawo Taako, iyo kuwa la midka ah, kuwaas oo dadka badankiisa ay u arkaan in waqtigan aysan muhiim aheeyn, ayna jiraan arrimo badan oo ka muhiimsan taallooyinka.

Intaa waxaa dheer, waxaa lacago badan lagu bixiyaa sidii loo burburin lahaa maamulada ka jira dalka, waxaa lacago lagu bixiyaa dadka facebook dawladda ka ammaana, kuwa waxa u sawira dawladda, baarlamaanka oo jeebka lagu shubtay, iyagana jeebka loo buuxiyey, iyo dabcan kuwa Telifishinada dawladda ka difaaca oo iyana lacago ku qaata difaacida dawladda.

Hadaba, waxaa jira lacago badan oo dawladda soo gallay iyo kuwo loo ballan qaaday. Sidaa darteed, dawladda ma aysan waayin 21 ka milyan ee ka dhiman si loo soo daabaco lacagta shillin Soomaaliga, balse Farmaajo iyo Kheeyre waxeey ku tallagaleen in ay ku mashquuliyaan shacabka wax aan muhiim u aheen dalka, meesha ay aheed ineey xooga saaraan arrimaha amniga, dhameeystirka dastuurka, dib u heshiisiinta, soo daabicidda lacagta shillin Soomaaliga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*