28th March 2024  admin  Category :

Dugsiyada dalka Zimbawe oo Waxbarashada Caruurta u qaadanaya Ceesaan Ari ah

Waalidka dalka Zimbawe ee reer Baadiyaha ah  oo aan awoodin lacagta ay caruurtooda  wax ku barayaan ayaa hadda waxa loo ogolaaday inay Xoolo la yimaadaan sida Riyaha iyo Idaha oo loogu qiimaynayo lacag., sidaa waxa yri wasiir ka mid ah dawladda

Wasiirka waxbarashada dalkaas Lazarus Dokora ayaa u sheegay Joornaalka afka dawladda ku hadla ee Sunday Mail newspaper in Dugsiyadu noqdaan kuwo aan hal meel ku dhigin oo waalidka u debciyaan marka ay ka doonayaan  lacagta ay caruurtoodu wax ku baranayaan  maaha qura inay xoolaha qaataan oo qura , xitaa qofkii xirfad leh waa in xirafadiisaloo qiimeeyaa oo  uu wax ugu qabtaa dugsiga sida qofka wax dhisa oo taa loo qaataa lacagta dugsiga ee ilmahiisa

Dugsiyo badan ayaa hadda aqbala inay qaataan xoolaha, sida ay qortay  he Sunday Mail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*