26th July 2024  admin  Category :

Shirka London oo uu gudoominayo mid ka mid ah Hawiye Action Group

Wasiirkii hore ee Qorshaynta ee dawladdii hore ee  Damuljadiid  C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte, oo aabhii Yuusuf  Cali Caynte ka mid ahaa asaasayaashii  Ururkii xag jirka ahaa ee Maxaakiimta markii danbe noqday Alshbaab, kana soo jeeda Beesha Murursade ee Hawiye  ee uu ka soo jeedo Ra’isawasaaraha Soomaaliya Kheyre ayaa loo magcaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London

Dhawaan magaaladda London ee dalka Ingiriiska waxaa ka furmi doona shirweyne looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay qodobada qaar ee shirka London iyo in fikir mideysan lala tago kadib shir labo maalin uga soconayay madaxtooyada Muqdisho.

Si kastaba, Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqsiga gudoomiyaha unoqon doona gudiga qaban qaabada shirka London.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inuu magacaabay gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirka London

Xog aan helnay ayaa sheegaya in C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London.

Wasaarad dhan oo ka mid ah wasaaradaha Soomaaliya ayaa shaqadeedu tahay arimhan maanta loo magcaabay Caynte. Ma jiro wasiir kale oo xil loo magcaabay oo ka tirsanaa dawladdii hore oo aan ka ahayn xubintan ka mid ah Ururka Hawiye Action Group

https://allsanaag.com/4117-2/

 

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*