28th March 2024  admin  Category :

Alshabaab iyo SNM oo dagaalkii Tuakaraq Boosaaso u soo raray . Dhaalinyaro ka so jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa caawa Boosaaso lagu dilay

Waxa Goordhowayd Magaalada Bosaaso Lagu diley Labo nin oo dhalinyaro ah,kuwaas oo fadhiyey Maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taal Agagaarka Xalwo Kismaayo Ee Koonfurta Magaalada Bosaaso.

Dilka labadan dhalinyrada Ah Ayaa waxa geystay koox Afka Soo Duubatay,kuwaas oo aan heybtooda la garanayn,isla mar Ahaantaasna ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen.

Ciidamada Amaanka oo goobta soo gaaray ayaa baaritaano sameeyey,walow aysan weli gacanta ku dhigin kooxdii dilka geysatay.

Labadan Marxuum ee la diley ayaa kasoo kala jeeda beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante

Mudooyinkan dame waxa Magaalada Bosaaso kusoo badanayay dilal aan ilaa hada cid loo qabanin,iyadoona Afar Habeen ka Hor Magaalada Bosaaso Lagu dilay Labo Dhalinyaro hada Jaamacada  Dhameeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*