28th March 2024  admin  Category :

Sabab Jaadka la xiriirta oo laba Wasiir laysugu bedelay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Is bedelka ayaa ka dambeeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, ka dib walaakiis Xasan Farmaajo ay isku dhaceen wasiirka Duulista oo saguna ah Jaadwale kale.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Sidoo kale Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxamed C/llaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuu xilkaas hayay illaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*