26th July 2024  admin  Category :

Garowe ma sii noqon kartaa caasimad Puntland

Siyaasiyiin  reer Puntland qaarkood  ayaa aamnisan in Muqdisho ayna  sii noqon karin Caasimad Soomaaliyeed. Sababna waxay uga dhigaan  in  Caasimaddii Soomaali oo dhan ka wada  dhaxaysy in  maanta  beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa gaar isu siiyeen, taas oo    ka qaaday sumacddii, sharaftii iyo ixtiraamkii   ay Caasimad Soomaaliyeed ku noqon lahayd. Siyaasiyiintani waxay kaloo sheegaan in Muqdisho xoog loogu haysto Xoolo iyo hanti ka wada  dhaxaysay Bulshada Soomaaliyeed oo dhan iyo mid gaar loo leeyahay oo dadkii lahaa laga dhacay.

Hadaba maanta Siyaasiyiinta reer Puntland maxay uga hadli waayeen dhaqanka Muqdisho ka jiray mid la mid ah inuu ka socdo  caasimadda Puntland ee Garowe, oo siyaasiyiin iyo ciidamo ka soo jeeda magaaladaas ay si  gaar ah  u sheeganayaan Caasimaddii sida ku meel gaarka ay Bulshada Puntland isugu afgarteen 1998 inay casimad u sii ahaato

Haddii Muqdisho ay ku maqan  tahay hanti kawada dhaxaysay umadda Soomaaliyeed. Garowe ma soo dhaafaan deeqaha caalamku ugu deeqo Puntland oo dhan. . Waxana ku maqan xisaab badan oo  umadda Puntland ka wada dhaxaysay

Siyaasiyiinta reer Puntland waxay had iyo jeer ku doodaan in Muqdisho horay loogu tegi jiray wax kasta laga bilaabo Teesare ilaa tacliin sare, sidaas awgeed ay doonayaan in maamulka hoos loo  daadejiyo. Garowe ayaa maanta wasaarad iyo wakaalad walba oo Puntland ah xafiis ku leedahay,

Qanyare iyo Yalxoow ayaa reer Puntland ku eedayn jireen inay Isbaaro u taalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Maanta Muxyidiin iyo Faroole ayaa caasimadda Puntland ee Garowe Isbaaro u taalaa, Mana jiraan  siyaasiyiin reer Puntland ah oo arintan canbaaraynaya

Ugu danbayntii Siyaasiyiinta reer Puntland inta ay  iska dhaafaan labo wejiilaynta iyo eedaynta ay Muqdisho ay had iyo jeer u soo jeediyaan , ma samayn karaan arin aan aan horay sanadkii 1998 markii Puntland la samaynayey aan si fiican looga doodin  oo maanta dhib weyn  ku haysa Bulshada Puntland iyo dawladnimadii . Taas oo ah in Garowe sii noqon karto caasimadda Puntland iyo sababta ay ku sii noqon karto Casimad Puntland haddii Sanad walba Cabdiraxmaan Faroole Iyo Muxyidiin  iyo kooxdiisu ay Isbaaro dhiganayaan

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*