28th March 2024  admin  Category :

Labo Caruur ah oo ” GURIGA JOOGA” ku helay labo Dhagax oo Dahab ah

Qoys ka soo jeeda dalka Faransiiska oo deganaa Magaalada Paris, ayaa markii la galay KARATIINKA ( quarantine )bishii sadexaad ee sanadkan, waxay go’aansadeen inay magaalada isga tagaan oo u guuraan guri ay ku lahaayeen halkii ay ka soo jeedeen oo ah Vendôme, oo ah Koonfurta Faransiiska

Qoyskan oo lahaa labo Caruur ah oo Tobon jiro ah, ayaa markii ay ku caajiseen guriga dhexdiisawaxay aabohooda waydiisteen inay doonayaan inay isla ciyaaraan oo ay samaystaan Qasri. ” Aabahood ayaa ugu jawaabay guriga ka raadsada G’oyaasha sariirta la saaro oo duug ah, kuwaas ka samaysta Qasriga aad donaysaan inad samaystaan.

Waa baxeen si ay go’ayaashii duuga ah u u raadsadaan, waxay heleen g’o lagu duubay waxayna garanayn. Aabahood ayeey u soo laabteen oo u sheegeen waxay soo arkeen. Aabahood ayaa ku yidhi soo qaadaa waxa laga yaabaa inay tahay Bahal ay Ayeeyadiin Minidiyaha gashan jitrtay. Markii ay u keeneen waxay noqdeen waxay soo arkeen oo ay garan waayeen labo dhagax oo Dahab ah, oo markii la qiimeeyey noqday $100,000.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*