26th April 2024  admin  Category :

Shakhsiyaad ka mid ah beesha Warsangeli iyo Dhulbahante ayaa dhawaan madaxweeynaha maamul goboleedka Hargeeysa ugu tagay Washington DC. SNMta waxa ay dalka Mareeykanka u yimaadeeyn sidii ay beeshooda u helli laheyd ictiraaf, iyaga oo jeebadaha ku sita dhul iyo dad aysan isku qorsho aheeyn.

Hoggaanka SNMta damacooda guracan waa sidii ay dalka Soomaaliya u kala jari lahaayeen, balse shakhsiyaadka u tegay Muuse Biixi iyagu waa kuwo dabadhilif, kabaqaad, kabaleef, dadkooda xaraashayaal ah, damiir laawayaal, iyo wax kasta oo xun lagu tilmaami karo.

Sidee u taageertaa shaqsi dalka Soomaaliya kala jaraya? Sidee u taageertaa shaqsi doonaya in dadkaaga uu gumeeysto? Sidee u taageertaa qof Soomaalinnimadda ka cararaya? Sidee u taageertaa shaqsi habbeen iyo maalin ku leh dhulka ka guur haddii aadan diyaar u aheeyn waxa aan rabbo?

Maanta SNMta Laascaanood iyo Yubbe waxa keenay waa shakhsiyaad daba dhilif ah oo iyagu dantooda shaqsiga ah ka dhex arkay, kuwaas oo gacan ku siinaya hadafka SNMta ee ah kalla gooynta dalka Soomaaliya. Waxaa xaqiiq ah in SNMta aysan cag soo dhigteeyn gobolada Sool iyo Sanaag, balse waxaa fududeeyey kuwo damiirkoodu uu yahay shilinka oo deeggaanadaa u dhashay.

Hadaba, shakhsiyaadkii qoray warqadaha ee u qeeybiyey meel kasta oo ka mid ah dalka Mareeykanka iyaga oo caddeenaya cidda ay yihiin SNMta, xasuuqii ay geeysteeyn, inaan ciddina la qabi fakirka goosashada iyo in aan la kalla jari karin dalka Soomaaliya ayaa ah shakhsiayaad sharaf leh.

Waxaa iyana sharaf weeyn ay u sugnaatay dadkii ka soo qeeyb galay mudaaharaadka looga soo horjeedo hoggaanka SNMta, iyaga oo muujinaya shucuurtooda ah in aan dalka Soomaaliya la kala jari karin, Soomaalinnimaddana ay tahay muqadas.

Waa in halganka halkaa laga sii waddaa inta Soomaalinnimadda ay guulleeysaneeyso, waa in aan waxba laga soo qaadin shakhsiyaadka Warsangeli iyo Dhulbahante ee u kalla dhuumanaya gooni goosatada. Waa in gooni goosatada meel kasta oo ay tagaan looga daba tagaa, waana in cid kasta la tusaa in Soomaali oo dhan ay is dishay dilkana uusan cid gaar ah ku dhicin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*