26th April 2024  admin  Category :

Kursi Tijaabo u ahaa jidka ay Soomaaliya qaadi doonto ayaa waxa ku guulaystay Kooxdii saaxiibka u ahayd Mugdiga iyo Qabyaaladda

Kursig HOP#060, oo golaha shacabka ku metela koonfurta Gaalkacyo, oo 8-dii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhiday Ubax Tahliilm ayaa caawa waxa ku guulaystay Qaali Cali shire oo taageerayeen inta badan Mooryaanta Soomaaliyeed.

Kusiga oo ahaa kan ugu xiiso badnaa Koonfurta Soomaaliya ee la wada sugayey, sababtuna ahayd in laga saadaalin karo jidka ay Soomaalidu qaadayso. Ma ka Ubax Tahliil jeexday ee lagu diidayo Qabyaladda iyo nin jeclaysiga baa mise waa kan inta badan siyaasiyiinta Hawiye Doonayaa ee ah Qabyaaladda iyo Muqdisho anagaa leh oo waxaan taayada ahayn ka socon maayaan Soomaaliya haddaan sidaan rabno naloo yeelin.

Sida muuqata caawa waxa guulaystay kooxsii Mugdiga iyo Mucaaradkii Madaxweyne Farmaajo, tasina waxay cadaynayaa in Fursaddii uu Farmaajo ku soo laaban lahaa ay aad u sii yaraanayso marka la fiiriyo waxa ka socda maamulada Puntland iyo Galmudug

Dakii ka ag dhowaa halki ay doorashaddu maanta ka socotay ayaa ku dhawaaqayey Farmaajo yuuna guulaysan, iyaga oo ku xumaynaya ama ku colaadinaya Taageerada Ubax Tahliil u hiilisay Qaranka Soomaaliyeed , ka dib sanadkii hore markii ay ka diiday inta badan beesheeda inay ugu Awrkacsadaan qabyaalad markii ay is hayeen RW Rooble oo ay beel ahaan ka soo wada jeedaan iyo madaxweyne Farmaajo.

RW Rooble iyo Cabdi kariim Guuleed, oo aan ilaabin in Ubax Tahliil ku diiday inay Qabyaalad ku taageerto ayaa iyaga oo argudanaya lacag badan ku bixiyey sidii ay u guul daraysan lahayd Xildhibaan Ubax Tahliil

Hoos ka daawo Xildhibaanadda Guulaysatay ee RW Rooble iyo Cabdkariim Guuleed ay maal geliyeen oo aan amaan gelin guud ahaan Qoyska Xildhibaanadda ay ka guulaystay.

Haddii Uba waxay diiday inay Qabtaalad ula safato beesheeda, oo colaadiso Farmaajo

Xildhibaanka Cusub Qaali iyo RW Rooble, iyaga Qabyalaadda madax martay ayaa ilowsiisay dhaqankii suubanaa ee Soomaalida ee Xididka lagu ixtiraami jiray

Ncaybka Farmaajo ayaa ilowsiiyey dhaqankii wanaagsanaa. Goormaa gole laysugu yimid raggu Dumarku tuurta ku qaadan jireen

May be an image of 2 people and text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*