29th March 2024  admin  Category :

Maalinta Berito ah iyo kulan  looga hadlayo  kuraasta Aqalka sare ee Gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu qabanayo Muqdisho

Kulankii maanta ee looga hadlayey  sadexdii kursi ee Aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag oo ay muranka geliyeen Dirta Waqooyi ayaa loo balamay maalinta berito ah. Ka dib markii maanta laysku afgaran waayey

Maalinta Berito ah  kulanka ugu horeeya ee dhacaya caasimadda ASoomaaliya ee Muqdisho , ee looga hadlayo kuraasta Aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa bilaabaya guddigii horay arintan loogu saaray oo kala ahaa

Madaxweyne Xasan Culusoow

RW Cumar cabdirashiid

iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Jawaari,

Kulankan ayaa marka danbe waxa ku soo biiraya,  haddan wax is bedelin

Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Eng Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey iyo Rw ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan.

Gadaal ayaa shirkan waxa kaga soo biiraya madaxda maamul goboleedyada oo dhan

Markaas ka  dib ayaa haddi heshiis la gaaro oo lays afgarto  waxa lagu dhawaaqayaa maalinta ay qabsoomayso doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya  iyo madaxweynaha . Sidoo kale  kuraasta gobolada Sool iyo Sanaag ayaa go’aan laga gaarayaa.

Warkan sida uu yahay waxa nagu soo gaarsiiyey Siyasiyiinta aanu xiriirka fiican wada  leenahay oo had iyo jeer Isha ku haya ALLSANAAG

ALLSANAAG/COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*