7th September 2024  admin  Category :

Kumuu ahaa ninka ay ka billaabatay colaadda Laascaanood ee ugu dambeysay?

Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan colaad iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay.

Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi.

Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay caro aad u weyn.XAYEYSIINhttps://f38b90739fe6e155cea05de671ae7f43.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Kumuu ahaa Cabdifataax Hadraawi?

Cabdifataax Hadraawi
Qoraalka sawirka,Cabdifataax Hadraawi

Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi waxa uu sanadkii 1979 ku dhashay degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Aabihii Cabdullaahi Cabdi Sangub oo ka mid ahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa xilligaa joogay xerada Ballidoogle oo ku taalla duleedka magaalada Wallaweyn.

Waxbarashada aasaasiga waxa uu ku soo qaatay gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Sool, sida uu noo xaqiijiyey Cabdillaahi Caweer X. Xuseen oo ay isla soo barbaareen.

Burburkii dawladii dhexe ka dib waxa ay reerkoodu u guureen magaalada Laascaanood, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka sii watay, waxaanu ka mid noqday ardaydii lagu bilaabay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, sida uu BBC-da u sheegay Faarax Diiriye Siciid, oo ahaa macallinkiisa.

Hadraawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ciyaaraha kubada cagta ee deegaanka.

Naadiyadii kubbada cagta ee ugu horeeyey ayuu ku biiray isagoo kabtan u noqday naadiga Radio Laascaanood.

Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Yaa hoggaaminaya dadka Laascaanood?

.

Dadka reer Laascaanood waxaa hoggaaminaya Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.

Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdilaahi Axmed Cali.

Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.

In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac-Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka ba.

Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed-Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale-Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka, waxaana garaadnimada uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan-Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*