22nd May 2024  admin  Category :

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo u waramayey Dhab TV ayaa ka warbixiyey xaaladda Laascaanood, wuxuuna sheegay in madaafiicda ay soo tuurayaan SNMta ay tahay mid joogta ah taas oo socotay tan iyo markii uu daggaalka billowday, balse madaafiicda khasarahoodu uu kala yaryahay. Madaafiicdii shalay ay soo trureen SNMta ayuu garaadku sheegay ineey ku dhaawacmeeyn dad gaaraya shan qof. Wuxuu kaloo sheegay ineeysan ka fursaneeyn in si dhab ah gacanta la isula tago oo SNM deeganadooda lagu celliyo mooyee aysan si kale ku tageeyn.

Garaadka waxa kalluu sheegay in xabad joojin wax layiraahdaa aysan dhicin tan markii dagaalka uu billoowday. Sidoo kale, waxa uu ka warbixiyey shirkii iyaga iyo wafdigii Itoobiyaanka ay ku yeesheen magaalada Garoowe wixii la iska yiri, wuxuu sheegay in Itoobiyaanka ay weeydiiyeen in dhinacooda ay diyaar u yihiin xabbad joojin iyo in la waddahadlo, wuxuu garaadku sheegay ineey ugu jawaabeeyn wafdigii Itoobiyaanka ahaa in ay diyaar u yihiin in xabad joojin ay dhacdo iyo in la wadahadlo, balse ay tahay in beesha Isaaq marka hore ay ku noqdaan deeggaanadooda oo aysan ka sokeeyn tuuladda Oog markaa kadib lawadda hadli karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*