26th April 2024  admin  Category :

Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Suldaan Siciid ay ku kulmen Villa Wardhiigleey ee kooxda Ahlu jidbo ee reer Maakhir ee sida gabal dahaya hadba xaaladda lagu Jiro isu ekaysiiya ku sheegeen in maamul loo samaynayo gobolada Sool iyo Sanaag waxba kama jiraan.

Suldanaa Siciid Suldaan Cabdisalaam kulankaa sadex arimood qura ayuu kaga hadlay. 1- Jidka Ceel Daahir 2. Jaamacadda Maakhir. 3- iyo sidii argaixisada looga saari lahaa Buurha Calmadow. Marna Suldaanku qayb kama ahayn maamul u samaynta goboladan.

Xildhibaan Xaaji Ismaaciil, oo ah xildhibanada laga soo doorto gobolka Sanaag oo adag tahay inuu dib uGu soo laabto xildhibaanimadiisa sababtoo ah Gudoomiye Cabdirashiid oo dhowaan la doortay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, ayaa madaxweyne Farmaajo waydiiyey maamul u samaynta labada gobol , madaxweyne Farmaajo waa ka aamusay arintaas jawaabna kama bixin.

Xildhibaanadda aqalka sare ee beesha Maakhir Siciido Xasan Cismaan , oo ka mid ah dadka aadka uGu ololeeya maamul u samaynta gobolada Sool iyo Sanaag iyadu cashada habeenkaas ma iman oo waxay ka mid tahay koox Siyaasiyiin ah oo madaxweyne Farmaajo yidhi cag ma soo dhigi karaan Villa Wardhiigleey. Xildhibaanada Puntland ee aqalka sare ee socda Puntland ayaa laga soo dooran doonaa Puntland, waxay u badan tahay in Siciido sii raaci doonto Xildhibaan Xaaji ISmaaciil. Xildhibaanada ayaa mid xilkiisa wuxuu ka waayi doonaa sida Beeluhu wax u qaybsadaan. Xildhibaanka kale ku waayi doontaa ka shaqaynta maamulkii soo doortay oo ay isku dayday inay bur buriso

Xildhibaan Saciid Daahir Bootaan, oo qayb libaax ka qaatay soo dhowayntii Suldaan Siciid, arin aad loogu amaanayna ka sameeyey Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho soo dhowayntii Suldaanka , isagu arimahan maamul u samaynta Kuma Jiro.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon, isgu waa gacan yaraha ama kalkaaliyaha Suldaanka hadduu Badhan la joogo iyo haddii Muqdisho joogaba, si ay ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen ma Jiro xil lala doonayaa inuu qabto, isaguna xil kama rabo Muqdisho waqtigan la joogo sida Gudoomiyaha laga soo xigtay.

Ugu Danbayntii Kooxda Ahlu jidbo waxaan u sheegaynaa haddii Dhulbahante iyo Warsangeli maamul loo samaynayo waa maxay sababta Warsangeli qura ay ugu tageen madaxweyne Farmaajo. Haddii Warsangeli iyo Dhulbahante maamul loo samaynayo , waa maxay sababta wasiirka kaluumaysiga Soomaaliya Bidhaan habeenkii Suldaan Siciid uu la joogay madaxweyne Farmaajo isagu uu Isamda kale u casumay, oo ay casumaadaasi ay ka maqnaayeen beesha Warsangeli oo ay maamulka wada samaysan lahaayeen

Allsanaag.com

One thought on “Kulankii Farmaajo iyo Suldaan Siciid

  1. Oday

    Adiga laftaada jidbo kalaa ku haysa, maxaa ku daba dhigay dadkaan wareersan oo dhulbahante weliba ugaadhyahan iyo dad masaakiin ah daba ordaaya, soomaalidu waxay tiraahdaa ” ninka aad kabo ka tolanayso kuwiisaa la eegaa” dadka leh dhulbahantaan wax ku darsanaynaa, waxan u sheegi lahaa marka hore jaale dhulbahante waa qaawan yahay, dhul iyo deegaamo madax banaan oo ay cid kale ku darsadaan ma haystaan, maxaa lagu darsan karaa marka
    War dadyohow waalan is dejiya oo miyirku ha shaqeeyo, dhulbahante intaad leedihiin wax ha lagu darsado waxaa idiin ka fiican iyadoo la yiraahdo ciida gale ama arab wax halagu darsado waayo dhulbahante maanta waa midgo aan naf lahayn, ninka raba inuu wax ku darsadona waa iyagoo kale nin ah oo raba inuu gun noqdo

    Reply

Leave a Reply to Oday Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*