26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo u waheliyo Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa waxaa ay caawa ka qeyb ka ahaa kulanka 3-aad ee Tala-wadaag oo u dhexeeya maamulka Iyo bulshada degmada Badhan.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta HADAF ee Cilmi-baadhista iyo horumarinta waxaa ka soo qayb galay kulankan gudoomiyaha gobolka, kan dagmada, Isimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa Dowladda ku amanay shaqooyinkii ay magalaada ka qabteen, sido kale waxaa ay soo bandhigeen baahiyaha ka jira dagmada.

Kulankan oo ahaa horumarinta adeegyada degmada waxaa siwayn looga hadlay dhismaha Xabsiga Wayn ee Badhan Bulshaduna balan qaadeeen in ay qayb wayn ka qaadan doonaan dhismihiisa.

Masuuliyiinta dawladda ee ka hadlay kulankan ayaa sheegay in Dawladdu doorkeeda qaadan doonto, dhanka Xabsiga iyo bannaynta iyo dhismaha Maxkamada Gobolka sanaag Gudoomiyaha Gobolka sanag iyo duqa dagmada oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhoweeyay sida dawladda Puntland ugu heelan tahay horumarka Gobolka.

Xildhibaan Axmed jaamac kuluc oo la hadlay shacabka Magaalada Badhan ayaa yiri”waa in shacabku ay doorweyn ka qaatan dhismaha xabsiga dhaqaale iyo xoogba loo huro” Wasiirka Wasaradda Amniga Puntland Cabdisamad Galan oo ka hadlay xaalada Amniga ayaa yiri”shacabku waa in ay la shaqeeyaan Ciidamada amniga si ay u gutaan waajibaad kooda shaqo”.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Xasan shire Cabdi oo ka hadlay kulanka ayaa yiri” mar waliba Dowladdu wey garab taagan tahay shacabka balse shcabka ayaa laga rabaa sidoo kale in ay mar waliba garab istaagaan dowladda” Wasiirka ayaa Sido kale sheegay in dhawan la bilaabay dhismaha xabsiga oo la dhaxag dhigay mudo dhowna la keeni doon ciidamadii magalada hawlgeli lahaa balse ay tababar hada ku maqan yihiin.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*