27th July 2024  admin  Category :

Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe.

Ujeeddada kulanka oo ahaa Mahadcelin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada, ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyeen xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada #Badhan usii jirto #15km isla markaana bisha #March ee soo socota la bilaabi doono in #laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii #Daamurku soo degi doono.

Dhallinyaradii kulanka isugu timi waxay si guud ugu mahadceliyey guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray.

Hawl wadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah.

Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cawsane , Midigale, Rad iyo, Laako iyo Hadaaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka Haweenka Al_Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada.

Gebagebadii waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba

4

Sawirka Jama Farah.

Sawirka Jama Farah.

 

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Sawirka Cawke Dualle Weyrah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*