21st May 2024  admin  Category :

Kulan Deg-deg ah oo loogaga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg-deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg-deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay taageeridda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in meleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaanadda kamid ah dalka oo weli ay maamulaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka sheegay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dalka, waxana uu dhammaan ka qayb galayaasha kulanka ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha Al-Shabaab looga saarayo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Hase yeeshee qorshahan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka cabanayaan in aysan wax mushaar ah qaadan afartii bilood ee la soo dhaafay.

Waxana uu shirkan yimid maanta markii ay magaalada Muqdisho ka dhaceen illaa afar qarax oo kala gaar gaar ah,uuna ku dhintey mid ka mid ah Wasiir ku xigaan ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*