26th July 2024  admin  Category :

T ariikhda Gaashaanle sare Mohamed Faarax Shoodhe (Kornayl Sar Sar)

Kornayl Mohamed Faarax shoodhe Oo ku magac dheer kornayl Sar sar, Wuxuu ku dhashay magaalada Cadanee dalka Yaman waxbarashadiisa inta badan wuxuu ku qaatay Cadan isagoo markii damane Kusoo laabtay dalka Soomaaliya horaantii lixdameeyaddii

Markii uu Soomaaliya yimid ayaa Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke Allah ha u naxariistee ugu Diray Tababar ciidan ee darjada Layli sarkaal dalalka Masar Rusia Italy iyo America isagoo loo soo tababaray Sniper ama shiishyahan.

Dhamaadkii sandkii 1968 wuxuu ku soo laabtay Dalka, sanad dibna waxa dhacay inqilaabkii kacaanku 1969 oo uu hogaaminayey Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad bare wuxuu noqday Chief Of staff Madaxa ilaalada Hogaamiyihii kacaanka ee Jaalle Siyaad.

1974 ayaa loo magcaabay Military Attache u qaybsanaha arimaha mileteriga ee safaarada Somaaliya ku leedahay Sucuudiga.

Xilkii uu horay u hayena ee Agaasimaha madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa loo magcaabay Janaraal Mòhamed Siciid Xirsi Moorgan oo ay saxiib dhow ahaayen kornaylka.

Gaashaanle sare Sar sar, waxuu Jaalle siyaad dib ugu yeedhay 1977 markii uu bilaabmay Dagaalkii Ethopia maadaama uu ahaa sarkaal xirfad fiican u leh arimaha dagaalka wuxuuna ka galay jiida dagaalka dhanka Waqooyi ee Jiida jig jiga.

Kornaylku, dagaalka ka dib wuxuu ka nastay Arimaha ciidankai, laakinse waqti danbe ayaa madaxweynuhu u magcaabay Safiirka Somaliya u Fadhiya Tunis ilaa ay ka dhacday dawladii kacaanku wuxuu ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya Tuunis.

Burburka ka dib wuxuu galay Maraykanka ilaa uu markii danbe u yeeray Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf xilligii loo doortay madaxweynaha Somaliya 2004.

Kornaylka waxaa madaxweyne yuusuf u soo jeediyey inuu rabo inuu u magcaabo taliyaha ciidanka xooga dalka balse kornaylku waa ka biya diidey intaas ka dib wuxuu ahaa la taliye sarre oo dhanka amniga dawladihii kala dambeeyey.

kornaylka oo hadda xanuunsanaya waxaan Allah uga baryeeynaa caafimaad deg deg ah.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*