29th March 2024  admin  Category :

Xildhibaankii ku soo baxay doorashaddii ugu musuqmasaqa badnayd, ugu muranka badnayd, uguna waqtiga dheerayd intii ay socotay doorashaddii xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,  ayaa hadda doonaya inuu fawdo ku bilaabo xukuumadda uu hogaaminayo Ra’isawasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

C/qaadir Carabow Ibraahim,  oo muran iyo is qab  qabsi beeshiisa Isaaq, Daa’uud ,Abgaal dhex martay  dhexdooda,  ka dib loo doortay Xildhibaan ka mid baarlamanka federaalka Soomaaliya, oo laga soo doortay maamulka Hirshabele,  Murankii  iyo isafgaran waagii isaga iyo Beeshiisana dhex marayna ka dhigay   xildhibaankii ugu danbeeyey ee  loo doorto baarlamaanjka federaalka Soomaaliya . Ayaa maanta wuxuu doonayaa  in dhaqankii uu la dhex joogay beeshiisa uu la hor yimaado umadda Soomaaliyeed oo  SI demoqraadiyad ah u soo  doortay madaxweyne. Madaxweynuhuna uu sii doortay Ra’isawase soo dhisa y  xukuumad tayo leh . Xukuumaduna ay kalsooni waydiisatay Baarlamaanka Soomaaliya oo ay  ku dhan dhamaan beelaha Soomaaliyeed .

C/qaadir Carabow Ibraahim , oo ay isaga  beeshiisa Isaaq Daa’uud, Abgaal  ay ku kal dhinteen oo ay isku naceen  sida dhaqanka xumayd oo kursigan baarlamaanka federaalka beeshooda  uu u raadinayey waqtigii doorashada  , ayaa maanta qoraalka soo dhigay Facebook,  Isaga oo u jawaabaya wasiirka warfaafinta Soomaaliya Ing. Yariisoow,  oo maalintii shalay sheegay in aan  Fawdo lagu gaari karin maqaamka Muqdisho

Mudulood iyo Maqaamka Muqdisho

Hoos ka akhriso kurayga ku garaadsaday Axmed Diiriye iyo Xaad oo ka hadlaya Horn Afric iyo Idaacaddii Shanbeele

“Waa arin nasiib darrao eh oo aan marnaba ugu dulqaadan karin in Wasiiir heer qaran ah waliba xukuumadda uqaabilsan Warfaafinta uu bartiisa Facbooka uu aflagaado aan geed loogu soo ganban uu ku maago Mas’uuliyiin kasoo jeeda gobalka Banaadir oo horumarro badan iyo dadaal badan usoo galay iyagoo waliba waqtigoodana u huraya sidii ay u heli lahaayeen Maqaamka uu yeelan doono Gobalka Banaadir.

Reysulwasaare Xasan Kheeyre maadaama aad hogaan utahay Xukuumadda uu wasiiirka kayahay Wasiir Abdirahman Omar Isman ,waxaan ku waydiinayaa heerka owoodda sharciyeed ee siinaya Wasiir warfaafinta uu Aflagaadeeyo mas’uuliyiin u doodaayo xuuquuqda dad kabadan qiyaastii 3 Malyan oo muwadiniin ah ku nool gobalka banaadir wiliba aan wax matalaad siyaasadeed ku laheeyn doowladda federaalka Soomaliya.

Mas’uuliyiintaas oo kamid yihiin Xildhibaano 2bada golle ee baarlamaanka ka tirsan oo kasoo jeedaan gobalka banaadir oo sifaha sharciga ah eey umarayaan helida xuquuqdasi ka maqan .

Waxaan rabaa in uu sharraxaad waaffi ah oow naga siiyo sabaaabta ku kalliftay wasiirkaga warfaafinta arinkaas.
Mase la ogtahay arinkaasi xad gudubka eh mudane Reysulwasaare?

Xog: HirShabeele oo soo faragelisay Kursiga Beesha Daa’uud iyo Cali Cosoble oo dalbaday in….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*