22nd December 2024 admin Category :
Xildhibaankii ku soo baxay doorashaddii ugu musuqmasaqa badnayd, ugu muranka badnayd, uguna waqtiga dheerayd intii ay socotay doorashaddii xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa hadda doonaya inuu fawdo ku bilaabo xukuumadda uu hogaaminayo Ra’isawasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
C/qaadir Carabow Ibraahim, oo muran iyo is qab qabsi beeshiisa Isaaq, Daa’uud ,Abgaal dhex martay dhexdooda, ka dib loo doortay Xildhibaan ka mid baarlamanka federaalka Soomaaliya, oo laga soo doortay maamulka Hirshabele, Murankii iyo isafgaran waagii isaga iyo Beeshiisana dhex marayna ka dhigay xildhibaankii ugu danbeeyey ee loo doorto baarlamaanjka federaalka Soomaaliya . Ayaa maanta wuxuu doonayaa in dhaqankii uu la dhex joogay beeshiisa uu la hor yimaado umadda Soomaaliyeed oo SI demoqraadiyad ah u soo doortay madaxweyne. Madaxweynuhuna uu sii doortay Ra’isawase soo dhisa y xukuumad tayo leh . Xukuumaduna ay kalsooni waydiisatay Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku dhan dhamaan beelaha Soomaaliyeed .
C/qaadir Carabow Ibraahim , oo ay isaga beeshiisa Isaaq Daa’uud, Abgaal ay ku kal dhinteen oo ay isku naceen sida dhaqanka xumayd oo kursigan baarlamaanka federaalka beeshooda uu u raadinayey waqtigii doorashada , ayaa maanta qoraalka soo dhigay Facebook, Isaga oo u jawaabaya wasiirka warfaafinta Soomaaliya Ing. Yariisoow, oo maalintii shalay sheegay in aan Fawdo lagu gaari karin maqaamka Muqdisho
https://allsanaag.com/mudulood-iyo-maqaamka-muqdisho/
Hoos ka akhriso kurayga ku garaadsaday Axmed Diiriye iyo Xaad oo ka hadlaya Horn Afric iyo Idaacaddii Shanbeele
“Waa arin nasiib darrao eh oo aan marnaba ugu dulqaadan karin in Wasiiir heer qaran ah waliba xukuumadda uqaabilsan Warfaafinta uu bartiisa Facbooka uu aflagaado aan geed loogu soo ganban uu ku maago Mas’uuliyiin kasoo jeeda gobalka Banaadir oo horumarro badan iyo dadaal badan usoo galay iyagoo waliba waqtigoodana u huraya sidii ay u heli lahaayeen Maqaamka uu yeelan doono Gobalka Banaadir.
Reysulwasaare Xasan Kheeyre maadaama aad hogaan utahay Xukuumadda uu wasiiirka kayahay Wasiir Abdirahman Omar Isman ,waxaan ku waydiinayaa heerka owoodda sharciyeed ee siinaya Wasiir warfaafinta uu Aflagaadeeyo mas’uuliyiin u doodaayo xuuquuqda dad kabadan qiyaastii 3 Malyan oo muwadiniin ah ku nool gobalka banaadir wiliba aan wax matalaad siyaasadeed ku laheeyn doowladda federaalka Soomaliya.
Mas’uuliyiintaas oo kamid yihiin Xildhibaano 2bada golle ee baarlamaanka ka tirsan oo kasoo jeedaan gobalka banaadir oo sifaha sharciga ah eey umarayaan helida xuquuqdasi ka maqan .
Waxaan rabaa in uu sharraxaad waaffi ah oow naga siiyo sabaaabta ku kalliftay wasiirkaga warfaafinta arinkaas.
Mase la ogtahay arinkaasi xad gudubka eh mudane Reysulwasaare?
http://www.caasimada.net/xog-hirshabeele-oo-soo-faragelisay-kursiga-beesha-daauud-cali-cosoble-oo-dalbaday-in/