26th April 2024  admin  Category :

Dalka Koonfurta Kuuriya (South Korea) ayaa lagu ammaanay qaabka wannaagsan ee ay ulla tacaalayaan xannuunka Coronavirus. Dawladdu Koonfurta Kuuriya waxa ay sammeeysay goobo dadka oo gaarigooda saaran ay marayaan, dabadeedna looga qaadayo baaritaanka, waxa uuna qaadanayaa baaritaankaas muddo dhan 10 daqiiqadood, meesha jawaabtana ay qaadaneeyso lix saacadood, ugu badnaana waa seddex cisho.

Maalin kasta, waxaa loo sammeeyaa baaritaanka coronavirus dad gaaraya 20,000 oo qof, baaritaanadaa markiiba waxaa la geenayaa meelo u dhaw oo ay ku yaalaan laabka si natiijada loo oggaado.

Dalka South Korea kama jirto yaraansho ku aadan qalabka waxa lagu baaro, waxeeyna dawladda ay siisay ruqsad ay qalabkaas ku soo saarayaan afar shirkadood, waxaana dalka uu awood u leeyahay ineey baaraan 120, 000 oo qof usbuuciiba.

Waxaa intaa dheer, in dalkaas aan laga sammeen wax waddo xirid ah, ama magaalo dhan oo dadka loo diido ineey socodaan, dadkuna waa kuwo si xor ah isaga socda, taasna waxaa sababay habka adeega baaritaan ee dadka dalkaas loo sameenayo.

Marka la isbarbardhigo dalka Koonfurta Korea iyo Mareeykanka. Koonfurta Kuuriya waxa xannuunka uu ku dhacay 7869, waxaa dhimatay 66 qof. Dalka Mareeykanka waxa uu xannunkaas asiibay 1358, waxaa u dhimatay 38 qof. Waxaa taas sabab u ah in Koonfurta Kuuriya ay ka yaraato dhimashada dalka Mareeykanka sida ay xil isaga saartay ineey xannuunka la tacaasho, meesha Mareeykanka uusanba u diyaar garoobin.

Hadaba, adduunka dadka ku nool sagaal billood ayeey ku wadda dhasheen, balse waxa la isku dhaafay sida maskaxda illaahay dadka siiyey ay uga faa’iideeystaan.

https://www.bbc.com/news/world-asia-51836898

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*