27th July 2024  admin  Category :

Beesha SNMta ayaa maalmahan si isdaba joog ah ugga hadleesa hadaladii laga jeediyey 26ka June iyo 1da July. Madaxweeyne Farmaajana waxa uu ku hadlay ma aheen hadalo xun ee waxa uu yiri ummada Soomaaliyeed waa ineey midawdaa, taas oo ah arrin aad u wannaagsan.

Waxaad daawataan odayga ka hadlaya muuqaalka hoose ee leh waxaa beesha Isaaq laga dillay 50,000 kontan kun oo qof oo ay dishay dawladdii militariga.

Hadaba, laba jeer oo macluul xun ay ka dhacday dalka Soomaaliya waxaa ku dhintay dad tiradooda gaaraya laba boqol iyo labaatan kun oo qof  220,000 sanadkii 1992dii, meesha sannadkii 2010 illaa iyo sannadkii 2012 ay macluul kalle ku dishay dalka dad tiradooda gaareesa 260,000 laba boqol iyo lixdan kun oo qof.

“Nearly 260,000 people died during the famine that hit Somalia from 2010 to 2012, a study shows. The number of deaths was higher than the estimated 220,000 people who died during the 1992 famine.” (bbc)

Hoos ka aqriso warbixintaas oo dhameestiran

http://www.bbc.com/news/world-africa-22380352

Bal ka waran inta qof ee xabada ku dishay dalka Soomaaliya marba haddii abaartii kalliya ay dishay dad gaaraya nus malyuun qof?

Odaygan muuqaalka ka hadlyaa waxa uu ku leeyahay waxaa nalaga dillay 50,000 oo qof. Haddii aad tihiin dad dulman oo la dhibay, maxaa dadka dhulkooda aad u sheeganeesaan Sool , Sanaag iyo Awdal illeen qof dulman qof kalle dulmi lama raadsadee?

Qof kasta waa idiin garaabi laheed haddaad tihiin dad daacad ah oo illaahay ka baqaya, laakiin wixiina oo dhan waxa isku fuuqfuuqsaday markaad dad dhulkooda sheegateen. Hadaba, SNMta cid adduunka dhageesaneesaa ma jirto,  mana jirto cid aqoonsaneesaa waayoo ah ninkii dulmanaa ayaa dhul iyo dad aysan isku heeyb aheen sheegtay, illaahayna ma caawinayo daalim, been badan oo sida yaxaas wax cunay is oohisiinaya.

https://youtu.be/7_dZc_kMzdw

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*