16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Gaadhey Muqdisho, Lana-kulmay Wakiilka Qaramadda Midoobey Ee Soomaaliya  Iyo Safiirka Masar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli maxamed Cali Gaas iyo weftihii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 04 July 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade International  Airport kusoo dhoweeyey Masuuliyiin katirsan goloyaasha dawladda DFS, saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa maalinimadda berrito ka qayb gelidoona shir lagaga hadlayo arrimaha amaanka iyo siyaasadda dalka, waxaana ka soo qayb gelidoona shirkaasi Madaxdda DFS iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka.

Soo dhoweyn iyo is xograwaysi kadib ayaa waxa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay safiirka dalka Masar iyo ku xigeenkiisa, waxaana kulankaasi ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tisan xukuumadda dawladda Puntland iyo golaha Wakiiladda Puntland.

kulan-kani gaar ka ah ee uu Madaxweynuhu layeeshay safiirka dalka masar ayaa waxa ay ka wadda hadleen arrimo la xidhiidh, wanaajinka xidhiidhka labadda dhinnac, iskaashiga ganacsi, waxbarashada iyo caafimaadka.

Madaxweynaha Dawladda  ayaa ugu horayn u sheegay safiirka iyo ku xigeenkiisa in Puntland diyaar u tahay xoojinta iyo wanaajinta xidhiidhka ka dhexeeya labadda dhinnac, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo Masar ay lahaayeen xidhiidh soo jireen ah, kaasi oo salka ku haya arrimaha Ganacsiga, waxbarashadda iyo caafimaadka.

Safiirka Dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay in ay diyaar u yihiin dardar gelinta iyo xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labadda dhinac waa Puntland iyo Masare, waxaana uu sheegay inay dhowaan yimaadeen Puntland isaga iyo koox dhakhaatiir ah oo uu hormuud u ahaa, kuwaasi oo  ka hawlgalay cisbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso  kuna daaweeyey dad badan oo rayidda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaara  kula qaatay qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cade International Airport wakiilka qaramadda midoobey u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador. Michael Keating, waxaana ay kawadda hadleen Madaxweynaha arrimo ay kamid ahaayeen, sidii ay beesha caalmka iyo qaramadda Midoobey uga caawin lahaayeen Puntland nidaamka xisbiyadda badan, qodobadii ka soo baxay shirkii London wixii ka hirgalay iyo shirkani berrito ka furmidoona Muqdisho arrimo khuseeya, maadaama uu shirkani dabasocdo shirkii London.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn usoo jeediyey wakiilka qaramadda midoobey u qaabilsan Soomaaliya inay tahay muhiin in-laga hawlgalo sidii Puntland looga caawin lahaa nidaamka xibiyadda badan ee ay kuhawlan yihiin shacab iyo dawladdba hirgelintiisa, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in shacab iyo dawladdaba laga midaysan yahay sidii Puntland u gaadhi lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasi oo ku salaysan rabitaanka shacabka Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu ugu baaqayb beesha caalamka iyo qaramadda midoobeyba inay gacan ka gaystaan arrinkaasi.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan ka midha dhalinta balanqaadka uu u sameeyey shacabkiisa iyo sidii uu horumar lataaban karo ugu soo hayn-lahaa Puntland, ugana shaqayn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda dal iyo debedba.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*