28th March 2024  admin  Category :

Beled xaawo, Muqdisho iyo Garowe sabab ayaa laysugu xiray.

Murashaxiinta Xilka madaxweyne doonaya ee u badan beesha Hawiye ee degta magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa ugu baaqay shacabkooda Muqdisho in maalinta Jimcaha ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Murashaxiintan ayaa markii ay ku baaqayeen Kacdoonka Muqdisho waxay soo qaateen sadex arimood uu ka dheeraan lahaa qof u turaya Muqdisho iyo midnimada Soomaaliyeed.

Murashaxiinta Hawiye ee ku baaqay Kacdoonka Bulshada Muqdisho ayaa sadexda arimood oo ay soo hadal qaadeen kuna sheegeen inay lama huraan tahay in banaan bax dhaco ayaa waxay kala yihiin:

Madaxweyne Farmaajo “wuxuu u diidan yahay in doorasho Soomaaliya ka dhacdo waxa uu doonayaa inuu soo magcaabo gudoomiyaha degmada GARBAHAAREEY”.

Madaxweyne Farmaajo “wuxuu diidan yahay oo looga kari la’yahay in shirka lagu qabto MUQDISHO oo waxa uu doonayaa in lagu qabto GAROWE”

Madaxweyne Farmaajo “isma hayaan siyaasiyiinta ee waxay is hayaan shacabka Muqdisho, hadda wuxuu tijaabinyaa inuu xoog ku haysan karo bulshada Muqdisho.” .

Hadaladan dhamaantood ayaa ah Kicin lagu kicinayo bulshada Muqdisho qaab qabiil, iyada oo la doonayo in lagu dhiiri geliyo shacabka magaaladaas inay daaqadaha Villa Soomaaliya ka daataan sidii 1991.

Wax kasta oo ka dhaca magaalada Muqdisho maalinta jimcaha oo ah rabshado iyo gacan ka hadal Murashaxiinta Muqdisho waxay dusha ka saari doonaan Farmaajo iyo taliyaha ciidanka Booliiska

Ugu danbayntii Ma jiraan wax ka maqan reer Muqdisho oo ay haystaan Soomaalida kale, hase ahaatee waxa jira wax reer Muqdisho haystaan oo ayna Soomaalida kale haysan oo ah Muqdisho noqotay Soomaaliya. Banaanbaxa maalintii jimcahna waa dhoola tus siyaasiyiinta Hawiye ku tusayaan Farmaajo inay Muqdisho gaar u leeyihiin.

ALLSANAAG.COM

One thought on “KICINTTA BULSHADA MUQDISHO

  1. Jirac

    Waa ognahay waana ogeyn laakiin walle sida ii muuqata 1991 xisaabtankeedii waa soo dhowyahay ama taariikhda jiilasha danbe baa lagu baran iyo library yada riyadii wax Somali layiraah iney jirin baa dhicin sasaanka ii muuqdana Somalia is gone 2023 no more Somali “beelaha Hawiye wax eed ah kuma leh iney sidaas u dhaqmaan” waayo waxaan laga xisaabtamin “Dibirgoynta Daarood” 1991 ee Somali lagu gowracay sababtaas weeye tan Farmajo hostage u ahaa markuu soo toosana music loo shidayey waxaas oo dhib ah waxaa ka danbeeyey khayre miskiin Farmajo garbihiisa ha eego maanta .

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*