26th July 2024  admin  Category :

Ma bilaa macno ayeey ku dhinteen mise naftooda ayeey u hureen   ilaalinta midnimada Soomaaliya.  Maanta soo ma ahayn maalintii la xusi lahaa wiilashii Soomaaliyeed ee ILAALINTA  midnimada Soomaliya ugu dhintay Tukaraq, Laascaanood, Xudun, Kalshaale, Maygaale,  , Dhaahr , Damol xagare, Xingalool IWM.

Farmaajo oo ah Madaxweynaha dhaman ummadda Soomaliyeed ma wuxuu bilaa macne ku tilmaamay dhiiga muwaadiniinta naftoodii u hibeeyey difaaca midnimada Soomaaliyeed, ma waysan ahayn inuu difaaco sida ku cad dastuurka uu ku dhaartay Midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed?

 

 

Ugu danbayntii Tukaraq layskuma hor fadhiyo, waxa qura ee  ku jiraa waa dadkii degaanka u dhashay oo ay  jabhad hubaysani  oo hal beel ka soo wada jeeda ay dul keentay Ciidan si ay ugu khasbaan inay la qaataan fikirkooda guracan ee ah inay Soomaali ka go’aan

Hadaba Farmaajo yuu wada hadalka la furaayaa  Ma beesha Isaaq ee  soo duushay  mise Beesha Dhulbahante oo la doonayo in degaankooda laga Barakiciyo, horayna looga barakiciyey.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*