27th July 2024  admin  Category :

Oog waxa maamulka Puntland laga qabsaday maalin Jimce ah 29kii Oktoobbar 2004

Jimcihii 29kii Oktoobbar 2004, waxaa Maamulka SNM duullaan ka soo qaadeen  Oog oo ahayd xadka kala qaybiya Puntland iyo Somaliland oo maliishiyadoodu fadhidey waqtigaas.

Waxay weerar ballaaran oo ku-tala-gal ah ku soo qaadeen Guumeys oo ahayd meeshii ay xadka ka degganaayeen ciidammada Puntland. Socodkii weerarkaas waxaa ay ku soo simeen Adhi-Caddeeye oo 30 km u jirta Laas Caanood. Waxaa ay u soo bareereen in ay 120 km gudaha u soo galaan dhulka Puntland.

Khasaaraha dad iyo maalba leh oo ay geysteen ka sokow, waxaa ay abuureen jawi xasillooni-darro iyo cabsi taagan ku noqday dadka ku nool xarunta gobolka Sool ee Laas Caanood gaar ahaan iyo Maamul Goboleedka Puntland guud ahaan.

Muddadaas kunka maalmood ka badan oo ay Adhi-Caddeeye fadhiyeen waxa socdey tuuryooyin dhankooda ka imanayey iyadoo ciidanka Puntland difaac-la-yuurur ahaa 36kaas bilood.

Puntland iyadoo dhawreysa nabadda, Soomaalinimada iyo wada-noolanshaha derisnimo, waxay caalamka iyo dalalka deriska ahba kala hadleysey sidii ay si nabadgelyo ah Somaliland ula noqon lahayd maleeshiyadooda fadhidey Adhi-Caddeeye. Nasiibdarro, Maamulka SNM ku qanci waayey dulqaadkii Puntland iyo talooyinkii beesha caalamka ee nabad ku wada-noolaanshaha.

2. Labo sanno iyo bar ka dib baa Isniintii 9kii Abriil ee sannadkan, waxaa Maamulka Hargeysa duullaan Wasiirkooda Gaashaandhiggu hogaaminayey ku soo qaadeen magaaladda Dhahar ee gobolka Sanaag  halkaas oo ay dhimasho, dhaawac iyo jahawareer dagaal lama-filaan ah ka dhigeen degmada oo nabad ahayd intaaney ciidammada Puntland iska caabbin oo ayan ka saarin.

3. Shan maalmood ka dib, Sabtidii 14kii isla bishii Abriil sannadkaa  ayey mar kale maleeshiyada Maamulka Somaliland oo ay hoggaaminayeen 14 Wasiir, uuna amarka dagaalka Ceerigaabo ka bixinayey Madaxweyne Ku-Xigeenkoodu, soo weerareen magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag halkaas oo ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, shacabkana argagax geliyeen intaan ciidammada Puntland iska caabbin oo ka saarin.

4. Maalintii Isniinta 1dii bishan Octoobbar oo lagu jirey bishii soonka ee Ramadaan oo Ilaahay xarrimay dhiig la daadiyo, ayey mar kale weerar qaawan si lama-filaan ah ugu soo qaadeen magaaladda Laas Caanood aggeeda hore ee dhinaca Abeesaley. Ciidanka Puntland waxaa ay isku dayeen in ay iska difaacaan, waxayna sameeyeen dib-u-gurasho dhawr kilomitir ah xagga Laas Caanood. Maliishiyada Somaliland waxa ay hore u soo durugtay in ka badan 4 km. Weerarkaas Somaliland soo qaaday wuxuu geystey dhimasho iyo dhaawac dhinaca DGPL.

5. Laba toddobaad ka dib, maalintii Isniinta 15kii isla bishan Oktoobbar 2007 ayey waxay duullaan ballaaran ku soo qaadeen ciidankii difaaca safka hore iyo magaalada Laas Caanood laftigeeda. DGPL oo ay damqaysey dhibaato iyo burbur soo gaara dadweynaha iyo magaaladda awgood waxa saraakiishii ciidanku goosteen in ay dibadda uga soo baxaan magaaladda markii ay caddaatay in madaafiicda cadowgu ku dhacday meela ka mid magaalada.

Duullaankaas gardarro wuxuu mar kale geystey geeri, dhaawac iyo taxaabasho maxaabbiis u badan dhallinyaro reer miyi ah oo agagaarka magaalada laga qafaashay. Dagaalkan ugu dambeeyey wuxuu keenay barakac degdeg ah oo ay 50% dadkii tirada badnaa ee halkaas ku noolaa u qaxeen degaanno ay ku nabadgalaan; wuxuu kaloo saamayn laxaad leh ku yeeshay shacabkii reer Laas Caanood oo si geesinnimo leh uga dhiidhiyey kibirka Maamulka Hargeysa. . Xaaladda magaalada Laas Caanood waa mid cakiran oo sugeysa tallaabooyin ay dadku kaga samatabaxaan dhibaatooyinka dilka, qaxa, nolol-xumada iyo jaahwareerka nabad-la’aanta ay abuureen maliishiyada iyo hubka ay halkaas ku soo ururiyeen Maamulka Hargeysa. Ka dib markii laga soo gudbey waallidii dagaalladii sokeeye 1990aadkii, DGPL kuma tala-gelin in ay qayb ka noqoto daadinta dhiig dambe oo Soomaaliyeed, waana ka tacsiyaynayaa intii dhibaatadu ku gaadhey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*