29th March 2024  admin  Category :

Raisawasaaraha cusub ee Soomaaliya  iyo qoraaladiisii hore

Raisawasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa in badan wax ku qoray meelaha ay ku kulmaan bulshada Soomaaliyeed.

Qoraal kasta oo uu  horay u qoray, Raisawasaaraha cusub  kama aysan  muuqan urur uu ka tirsan yahay, qabiil gaar ah oo u ololeenaayey, madax siyaasadeed oo uu gooni  u amaanay ama wax xun  uga sheefay.

Sidoo kale kama mid ahayn labadii  urur ee dhalinyarada beelaha Hawiye ku lahaayeen  Qurbaha, oo ay ugu ololeen jireen qabyaaladda  sida Hawiye Concern Group iyo Hawiye Action Group.

Raisawasaaraha qoraaladiisa oo isagu ku  qoray meelaha Soomaalidu ku kulanto , waxa ka mid ahaa

“Ma ogtahay inaad safar ubaxaysid tigidkuna uu yahay lacag la aan ma ogtahay hotelka aad ku d egeysid inuu ku yaalo dhulka hostisa mase ogtahay qolka aad jiifanaysid inuu yahay labo mitir oo kaliya mase ogtahay inuusan wax if ah laheyn mase ogtahay inaan dib looga soo noqoneyn ma is weydisay sahayda aad qaadaneysid nooca ay tahay mase kordhisan kartaa sahaydaas”

“Majeceshay inad kunolato farxad iyo reen reeny
UDHOOF WADANKAADI OO DOWLADNIMADA WAX KARAADI
qofkii tiin abuurtiyo qofkii timir aboortaba taarikhdo waa qori”

Hassan Ali Kheyre

June 22, 2013 ·

“soomaaliya somalibaa leh ninki soomaali diidahow dibada aad samaateed iyo xumanteed soomaaliya somalibaa leh

Ugu danbayntii  ma jirto maxkamad  denbi uu galay ku xukuntay Raisawasaaraha cusub ee Soomaaliya, hase ahaatee waxa jira eedayn ay u soo jeediyeen Kooxihii Ajnabiga ahaa ee Soomaalitya ka dhaqaaqi wayday. Kooxdan waxa ka mid ahaa kywa u ololayn jitay In SNM Soomaali inteeda kale ka go’aan

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*