16th April 2024  admin  Category :

Ri’sul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa garab taagan wasiirkii dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya  Khadiijo Diiriye oo aad ugu sacab tumaysa marka uu raisul wasaarahu sheegay inuu soo arkay jid qurxoon oo ay Soomaali u socoto.

Jidkaa Qurxooni ee Soomaali u socoto, ee uu Raisul wasaaruhu sheegay ayaa ah,  in  wax kasta oo lagu helo magac Soomaaliyeed  la geliyo  magaalada Muqdisho, laga shaqaalaysiiyaa Bulshada Muqdisho laga soo xulaa Shacabka Muqdisho.

Hoos ka daawo Ciyaartooy looga  soo xulay qaab qabiil magaalada Muqdisho oo Ciyaaro  uga qayb galay caalamka ,  iyaga oo ku qaraabanaya magaca Soomaaliyeed. Iyo in ay Somali oo dhan ay wada metelaan, Hadaba haddii aad ka soo jeedo Baargaal, Baaraha qoL, Burtinle, Buuhoole iyo Baardheere,  marka aad muuqaalkan daawato Soomaali  ma kula tahay in Soomaali meel qurxoon u socoto  mise magacii Soomaaliyeed ayaa la ceebaysanayaa iyada oo qabiil iyo degaan gaar ah  loo adeegayo

Ugu danbayntii Mudane  Raisulwasaare jidkan aad niyadda ku hayso  waa soo aragnay oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Culusoow ayaa na soo tusay, mana ahayn jid qurxoon. Umadda Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan magaca Soomaaliyeed wixii lagu helay haddii ay Muqdisho soo dhaafi waayeen bal yaan magaca Soomaaliyeed Caalmka lagu ceebayn oo marka danbe oo aad koox ciyaartooy ah dirayso magac kale sii qaata!.

 

https://youtu.be/WSef6bUMor8

 

https://youtu.be/jQoHjNvaQaM

 

https://youtu.be/KGLmVZxsjfI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*