25th October 2024  admin  Category :

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre ayaa booqday Isbitaalka Galguduud ee Magaalada Dhuusamareeb iyo Isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

Ra’iisul Wasaare Khayre, oo u kuur gelayay xaaladda caafimaad ee Magaalooyinka uu booqday, ayaa xog-wareystay maamullada ka jira istibaallada, isagoo la wadaagay baahiyaha ay qabaan si wax loogu qabto.

Ra’iisul Wasaare, Khayre, oo ay booqashadiisu ku wehliyeen Madaxa Golaha xukuumadda Galmudug iyo Xildhibaanno ka tirsan Aqalka hoose ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo Indha-Indheeyay Xarunta Tababarrada farsamada Gacanta Galguduud oo ku taalla Magaalada Guriceel.

Tubta horumatinta arrrimaha Bulshada oo kamid ah tubaha Qaranka, ayaa halbeegyada ugu waawayn ee ay Dowladdu hiigsanayso waxaa kamid ah in Dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaaad iyo waxbarsho tayo sare leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*