19th May 2024  admin  Category :

Deni oo kulan kula qaatay Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad. Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray wuxuu salaan Ciidan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta.

Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ciidamada oo ay ka qeyb-galeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Daraawiishta, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Saraakiishii hore ee soo shaqeeyay xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladdihii kala danbeeyay ee Puntland. Waxaana ka mid ah Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gen. Maxmed Xirsi Morgan, waxaana kulankaas ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani.

” Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni”. ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Image may contain: outdoor
Image may contain: sky, outdoor and nature
Image may contain: 6 people, outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*