8th May 2024  admin  Category :

Jubbaland oo ku biirtay Puntland iyo Galmudug ee ka hor-yimid sharciga Doorashooyinka

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka hor-yimid sharcigii doorashooyinka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Jubbland ayaa lagu sheegay in si qayaxan ay u diideyso sharcigan, isla markaana uu yahay xeer aan laga wada tashan.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aan kasta oo aan waafaqsaneyn dastuurka, isla markaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan dowlad goboleedyada.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay qaadacay sharciga doorashooyinka, waxaa weli wax go’aan ah ka soo bixin ama la ogaan fikirkooda dhabta ah Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo lagu tiriyo inay u janjeeraan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*