29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas ma taageeri doonaa siyaasadda Jirjiroolaha ee Muqdisho ka socota.

Labo sano ka hor degaanada Puntland, waxa duulaan ku soo qaaday maleeshiyaadka argagixisada alshabaab oo doonayey inay Dadka, dalka  iyo duunyoda Puntlandba  burburiyaan.

Ciidamadii ka difaacay argagixisada degaanada Puntland, kana guulaystay  waxay ahaayeen ciidamada Puntland ee  ay tababareen dawladda Imaaraadka Carabtu.

22d

Maalintaas alshabaabku soo weerareen Puntland ,  siyaasiyiinta Muqdisho ee maanta doonaya in Imaaraadka laga saaro Puntland, hase ahaatee iyagu  Muqdisho ay  la  joogaan Turkigu , waa kuwii Puntland  u soo   diray Kaluunka Tuunada ah ee qasacadaysan oo ka  hor istaagay inay Puntland u soo diraan  hubkii  Caalamku ugu talo galay in guud ahaan alshabaabka lagula dagaalamo meel kasta oo ay ka joogaan Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Muqdisho qura maaha kuwa doonaya in laga saaro Imaaraadka Puntland ee waxa weheliya ganacsato iyo kuwa sheegta inay yihiin nabdoono oo ka soo jeeda Puntland oo gacan saar la leh argagixisada ku sugan Qandala iyo Galgala. Kooxdani waa kuwii markii horba keentay argagixisada Puntland, sababna u ahaa inCiidamada Imaaraadku yimaadaan Puntland si ay uga difaacaan xulafadan isku xiran ee Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya

Ugu danbayntii maanta dhinaca amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo horumarinta kaabaha dhaqaalaha Puntland, wuxuu ku xiran yahay xiriir wanaagsan oo dawladda Puntland la yeelato Imaaraadka. Hadii wax khaldan yihiina si wada jir ah looga wada hadlo loona wada  saxo . Shalay   wiilashii  lahaa shacabka ku nool  Puntland waxaan ka dhigaynaa Kurdish, inay maanta u ololeenayaan in Imaaraadka laga saaro Puntland waxa sabab u ah  madaxweynaha Puntland oo xeerinaya wax badan. Sidaas awgeed madaxweynaha Puntland waxaan ka sugaynaaa jawaabta Jirjiroolayaasja Muqdisho ee shacabka Puntland la doonayo in looga dhigo Kurdish iyo Beduun  iyo fariin kale ee  ku socota Puntland oo  aad Bulshada aad madaxweynaha u tahay aad  ugu sheegayso go’aanka aad ka qaadatay arimaha khaliijka.

Jirjiroolayaasha Muqdisho ee   ku gabanaya magac Soomaaliyeed oo aan dan ka lahayn amniga bulshada ku nool Galgala,  Qandala, Bargaal Xaafuun, Eyl ,  Garacad iyo Tukaraq. sidoo kalena aan ogolayn deeqihii Bulshada Soomaaliyeed  loogu tlo galay inay Muqdisho soo dhaafaan waa nasiib daro haddii madaxweynaha Puntland uu siin waayo fariin ah  luqad adag oo ay si fiican u fahmi karaan. Tusale ” Fahad Yaasiin oo la waydiiyo sida beesha reer Awxasan ee uu ka soo jeedo  ay uga dhigi karaan  beelaha Harti Kurdi aan degaan lahayn oo loo taliyo

ALLSANAAG,COM

 

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*