29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo madaxii Hay’addii guriga uu seexdo   ilaalinaysay ku yidhi dalka iiga  bax,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo aan jeclayn Mucaaradnimada iyo in lala saxo khalalaadkiisa  ayaa maalintii shalay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Dawladda Soomaaliya

Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan December, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayay muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.

Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.

Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Dawladda  Federaalka oo  uu madaxwe Farmaajo  hogaamiyo oo Horay uga diiday inay la tashato ama dhegaysato  maamulada Soomaaliya sida  Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa jawaabtii ay qaramada midoobey siisay waxay noqotay mid jar iska xoor nimo ah iyo Isaga oo madaxweyne Farmaajo Qaramada midoobey ku ilaalinayaan  Villa Soomaaliya iska dhigay inuu Yahay nin aan caalamka intiisa kale u baahnayn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*