23rd January 2025 admin Category :
Fursad kasta oo USC iyo SNM ay helaan waa lugooyda qaranka Soomaaliyeed iyo inay wax ka bedelaan wixii Soomaali ku heshiisay
Soomaali waxay ku heshiisay inay federaal yihiin oo federaal wax ku qaybsadaan. Laakiinse markII jabhadkii hore ee SNM Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo mid ka mid ah hogaamiyaashii Maxaakiimta Muqdisho oo lagu magcaabo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ay magaca Soomaaliyeed shir uga qayb galeen. Magacii federaalka meesha waa ka saareen oo waxay sheegteen Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Magaaladda khartuum ee xarunta dalka Suudaan waxaa ka furmay shir looga hadlayo arimaha garsoorka, waxaana dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.
Shirkan oo uu furay madaxweenaha dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir ayaa ahaa shirkii koowaad ee gudoomiyaasha maxkamadda sare gudoomiyaasha garsoorka ee wadamadda Africa iyadoo ay ka soo qeeb galeen wadamada Africa badankooda waxaana dowladda Soomaaliya u matalayay gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.
.
http://www.haldoornews.com/2016/05/04/garyaqaankii-guud-ee-somaliland-dhawaan-iska-calisay-oo-loo-magacaabay-gudoomiyaha-maxkamada-sare-ee-somalia/