26th April 2024  admin  Category :

Wasiir Jamaal iyo Jaamac Debarani oo isugu jawaabay Baraha Bulshada

Wasiirka Qoraheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa si adag u weeraray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni isagoo ku eedeeyay in uu dib u dhigayo murashaxnimadiisa uuna doonaya in uu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha Puntland.

“Iyadoo Saed Abdulahi Deni uu daahiyay ku dhawaaqida musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho una xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya puntland, odayaasha beelaha, wakiilada iyo musharaxiinta baarlamaanka ayaa dhamaantood muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay, cagajugleynta iyo faragalinta uu ku hayo doorashada.”ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in uu faraha kala baxo guddiyada doorashooyinka haddii uu doonayo inuu dalka madax ka noqdana uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Qoraalkan markii uu qoray Jamaal ayaa Madaxtooyadda Puntland si adag uga jawaabtay qoraalkii uu Twitterka ku ku qoray Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu yahay musharax is qarinaya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo ka jawaabayay hadalkii Maanta ee Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa yiri”Wasiirka Jamaal Qoraalkaaga kama duwana kuwii hore ee aad u adeegsan jirtay hurinta colaado iyo isku dhacyo ka dhaca Puntland”.

“Puntland waa dowlad jirta 23 sano, horey u qabatay doorashooyin heer gobol & heer federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday”

“23 sano kadib oo biseyl iyo qaangaarnimo ka Muuqato Puntland, waa nasiib daro inaad iskudaydo inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda! Taariikhda ayaa is qoraysaa!“

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*