26th April 2024  admin  Category :

Maamulka Puntland ayaa waxaa la soo darsey jahwareer siyaasadeed iyo mid musuqmaasuq tan iyo markii madaxweeynaha Puntland loo doortay Ca/welli Gaas. Arrimaha waqtigan dhacaya waa kuwo xargaha soo goostay, cid kastana ay arki karto sida ay wax u jahwareersan yihiin. Waqigan jahwareerka taagan ayaa ah in guddiga xallinta iyo midka doorashooyinka Puntland aysan isku qaab shaqada u waddin taas oo ah mid shaki weeyn uu ku gadaaman yahay.

Guddiga Xallinta Khillaafaadka oo ku talliyey in doorashada la hakiyo inta khillaafaadka beelaha la xallinayo ayaa waxaa ka hor yimid guddiga doorashada ee heer Puntalnd. Sababta guddiga doorashada ay u diidayaan in qilaafka la xalliyo maxeey tahay? sababta guddiga doorashada Puntland ay u dhageeysan la yihiin beelaha cabanaya maxeey tahay? Guddiga doorashada Puntland waa maxay sababta ay gacan u siinayaan oday tuug ah oo iska soo qortay magacyo?

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*