26th July 2024  admin  Category :

Guddiga Xalinta khilaafaadka Puntland oo Joojiyey Ergooyinkii dooran Lahaa Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Dishiishe,Warsangeli,Ciise Maxamuud iyo Madhibaan

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Puntland ayaa maanta soo saaray amar ay ku joojinayaan qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee Puntland, kuwaasoo u yeeray Ergooyinka dooranaya 12 kamid ah Xildhibaanada ka imaanaya qabaa’ilka daga deegaanada Puntland.

Guddigan Xalinta Khilaafaadka Reer Puntland ayaa Warsaxaafadeedkooda ku sheegay in gebi ahaanba  la xareeyo, la diiwaangeliyo, kaararna la siiyo Ergooyinka ilaa dhankooda laga helayo Jawaab deg deg ah.

Xubnaha ayaa joojiyay Ergooyinka matalaya beelaha kala ah:-

  1. Warsangali
  2. Dishiishe
  3. Cali Saleebaan
  4. Madhibaan
  5. Ciise Maxamuud.

Sababta loo hakiyay ayay ku sheegeen inay jiraan khilaafaad ka dhex jiray beelahaas oo u baahan in la xalliyo.

Halkan Hoose ka Akhriso Warqad Kasoo Baxday Gudiga Xalinta Khilaafaadka Puntland.

1478002585-ewte3h9jt4ikdovl

1478002667-awpuianyp0xozm6x

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*