26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo muxuu u arki waayey kuwa dalka kala go’ynaya oo had iyo jeen u muujiyaa ncaybka Beesha Ogaadeen

Madaxweynaha Soomaaliya, Mohamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa marar badan Dawladiisu waxay soo saartay Go aamo ay ku weerarsan tahay Madaxweynaha Jubaland ama khaasatan Bulsha weynta Deegaankaasi ee Beesha Ogaadeen,

Madaxweyne Farmaajo, maamulka Jubaland waxaa uu ku eedeeya oo dhaha waxaa uu la shaqeeya Cadowga soomaaliya.

Cadowga lagu sheegayo waa kenya, oo ah Dal Jaar la ah Somalia Islamarkaana somali badan ku dhex leedahay Ganacsi iyo Hanti badan waa Dal Xuduud dheer la wadaaga Dalka soomaaliya,

Kenya waa meeshii uu 8 bilood fadhiyay 2017 markii uu xilka madaxweyne ee soomaaliya u ololeenaayay farmaajo

Maamulka Jubaland, oo u madaxweyne Ka yahay Axmed Madoobe, waa maamul isagu iskii isku abaabulay 2009 islamarkaana xoraystay Kismaayo oo xiliga ku jirtay Gacan kale,

Maamulka Somaliland, Oo 30 Sano leh Soomaaliya, waanu ka goosanay islamarkaana xidhiidh la leh Dalal badan oo Somalia, Halis ku ah warkoodana aan qarsan Marnaba madaxweyne Farmaajo, uguma yeedho cadow ayay la shaqeeyaan iskada inuu ugu yeedho Cadow ayay la shaqeeyan ama Midnimada Dalka ayay halis ku yihiin ee gobolo U taagan Qarannimada soomaliya, ayuu u cabudhiya oo ku Tunta Masiirkooda si uusan Muuse Biixi u cadhoon.

Majirto Danbi ka weyn oo Maamul ama Nidaam galo in uu ku dhawaaqo inay Dalka Ka goosanayaan intiisa kale.

Wixii ka dhacay Itoobiya Gaar ahaan Tigreega goboladiisa waxay ahayd wax lamid ah waxa somaliland wado.

Madaxweyne Farmaajo waxaanu uga fadhinay in uu Soo caliyo Gobolada 30 sano u Afduuban Kornaylada SNM, ee kamaanan filayn ogaaden iyo Jubaland inuu ugu yeedho Qaranka ayay halis ku yihiin iyo wa dhul cadow haysto.

Qof Damiir leh Kama dhagaysanaayo Farmaajo jubaland Qaranimada Ayey Halis ku tahay Somaliland-na kuma aha!

Ugu Danbayn waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo Taageer Haday dhab ka tahay Heestan Ku baxaysa ee Qaranimo kuwa Qaranimada Somalia u dhimanaya ee SSC,

W/Q Cabdi Ciro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*