27th April 2024  admin  Category :

Dhalinyaradii Murursade iyo Mareexaan ee Villa Wardhiigleey lagu naas nuujin jiray oo iyagii ka dhex dilaacday sidii Khayre iyo Farmaajo

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa u magacaabay Mucaawiye Sheekh Ibraahim   xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha isagoo xilka ka qaaday Cabdirisaaq Xuseen Aaden (Caato) oo muddo maalmo ah xilkaa hayay.

Sababta xilka looga qaaday Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa la xariirta Bahdilaad lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah ragii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ee ay ka soo wada jeedeen beesha Murursade, ahaana xooghayihiisii hore

Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa maanta hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada.

Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Xuseen ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri.

Is bedeladan degdega ah ayaa u muujineysa jahwareer ku yimid habsami u socodka howlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaaa muddo todobaad Xafiiska ku jiraa xaalad kala guur ah oo ka dhashay qaabkii si fowdada ku jirta xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*