28th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyana Gobolka Sanaag Somali oo ka Bad baaday weerar ay kusoo Qadeen Dablay Hubaysani.

labo habeen ka hor ayeey ahayd markii rasaas lagu furay Guriga Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee degmada Badhan Cabdcasiis Axmed Salax oo sidoo kale ah Maamulaha Iskuulka Furqaan.

Gurmadkii ugu horeeyey ee Guriga soo gaara ayaa waxa uu ahaa Gudoomiyaha gobolka Sanaag.

Cali Xuseen Soomaalii, oo ah gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa isaguna caawa uga badbaaday degmada Badhan isku day dil.

Hadaba yaa Ugaarsanaya Waxgaradka iyo aqoonyahanka degamada Badhan oo doonaya inay dilaan?

Baaritaanka laamaha amnigu samaynayaan kama hor dhacyno, laakiinse waxaan shaki ku jirin in degmada Badhan maanta ay joogto ama marayso maalmihii beesha Isaaq ay ku sugnaayeen Adhicadeeye oo ay u soo dhutinayeen inay qabsadaan degmada Laascaanoodee xarunta gobolka Sool.

Maalmahii SNM ku sugnaayeen Adhicadeeye oo ay doonayeen inay qabsadaan Laascaanood, waa maalmihii taariikhda Soomaalida ugu badnayd Khamri iyo Maandooriyaal la soo geliyo Laascaanood, Qaadkii soo gelayey magaaladaas ayaa boqolkiiba sideetan wuxuu ka jabnaa Soomaaliya inteeda kale. Magaalada waxa lagu siidaayey Dad daroogaysan oo Khamriga iyo Jaadka si u wada isticmaala oo intooda badan u shaqayn jiray maamulka Somaliland. Waxay Bilo gudahood ku duufsadeen Boqolaal ka mid ah Caruurtii reer Sool

Maanta Badhan intii ay maalintaas Laascaanood lahayd oo dhami waa ku dhan yihiin , waana magaalada maanta Soomaaliya ee ugu badan denbiyada ay gaystaan Aarkolaystayaasha, looguna dulqaato waa ina hebel oo maamulka Somaliland ayuu Caruurta ka biishaa.

Burburkii Soomaaliya intii ka danbaysay aad bay u yarayd denbiyada ka dhaca gobolka, maantase ayeey u kordhaan sababtuna waa dad isticmaalaya wixii Allah xaaraantimeeyey oo ah Daroogo

Ugu danbayntii Nin Balawdi qaaday oo qabiil lagu taageerayo Laascaanood ayaan wax kaga baran karnaa iyo sida ay faraha uga baxday, Casharkaa kaa ka danbeeyeyna oo qaarkeen nin ku gabanaya magac diineed aan ku taageernay waxaan ku waynay Buuraha Cal madow. Danta, Dadka iyo degaanku waxay ku jirtaa in Badhan sharciga la hor keeno Aarkolaystayaasha ay SNM Bulshada ku soo dhex daadisay sida ay argagixisada Buuraha Cal madow ugu daadiyeen

https://web.archive.org/web/20071021090346/https://allsanaag.com:80/Details.asp?id=2195

ALLSANAG.COM

One thought on “ISKU DAY DIL

  1. Jirac

    Waa 2021 sanadkii aynu wada sugeyney ee qashin sifeynta dhulkanaga ee daroogeysyaasha iyo kuwa shaatiga shaydaanka ugu adeega SNM. Gobalka Sanag waaba roonyahay marka loo eego Gobalka Sool maekay ka soo harto GAFUUR DUUBLAYAASHA dad iyo Deegaan ina kala reeban dowlada puntland ha siiso cafis dadka u dhashay Deegaankanaga ninkii kale ee gafuur duuban ha la’aado shidada iyo sharka dhulkooda “ITS ALL OVER”. Nin police ah oo Garowe jooga ayaa ii sheegay khaati inay ka taagan yihiin khamri laga keeno las’anod SUBXAANALLAH ma waxaas baa naqaanay dhaqana u laheyn SIXIR kuna kaaga daran baa la yidhi SUBXAANALLAH kaaga darane kuwa Horgale yaasha hadaad u fiirsato closely waxaad arkeysaa siduu xoog u yeelayo markii dadkiisa lagu soo hadal qaado xoog aan ku jirin buu yeelayaa BISMILLAHI RAHMANI RAHIM. Shilimaad inuu qaato la gareyey waxaa ka daran SIXIRKA. Inan uu SALEBAN ALI KOORE aad iskudu dhow yiihiin ayaa aniga KITAAB JAAMAC iigu maray inay waxaas wax ka jidhaan. Taladoydu waxaa weeye hala toban jibaaro difaacida dadkanaga Deegaan kanaga si daroogada iyo argagixisada ama shaatiga shaydaanka kuwa dadkanaga u gashan si looga adkaado waa in police ka iyo mayorada isticmaalaan kaartadaan waana mid aduunka dhan laga isticmaalo in telecommunication ka laga baari karo dadka danbiyada xun bulshada u keena ama u geysta sidaa la’adligeed telecommunition kii u hogaansami waaya kama shaqeyn karo Deegaan ka towers kooda dhulka dhiga khasatan SOMTEL, HURMUD iyo their affiliates si dadka iyo Deegaan ka loo bedbaadsho. Ugu danbeyntii nin daroogo iyo shaatiga shaydaanka in qabiil lagu taageero waa xaaraan waana qof sixran.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*