26th July 2024  admin  Category :

Iska hor-imaadyo ka dhacay agagaarka KM4 ee Muqdisho

Fiidki Axadda ayaa isku dhac kale laga soo sheegay magaalada Muqdisho. Isku dhacan ayaa u dhexeeyey ciidamada dawladda iyo xoogag kale oo kasoo horjeeda waxaana uu ka dhacay nawaaxiga KM4.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacadda VOA inay arkeen ciidamada dawladda iyo xoogga kasoo horjeeda oo u janjeedha dhinaca mucaaradka dawladda oo is weydaarsanaya rasaas fudud iyo baasuukayaal.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay isku dhacyada oo maanta ka dhacay Muqdishu oo laga soo laga soo sheegay Sanca, Mariina iyo KM4.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in hoygiisa lasoo weeraray. VOA si madax banaan uma xaqiijin karto arrintaas.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli hadal rasmi ah kasoo saarin iska horimaadyada maanta ka dhacay Muqdishu iyo bannaanbax lagu cambaaraynayey muddo korodhsiga.

Dhinaca kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa ugu baaqay dhinacyada inay mujiyaan dulqaad, waxaana uu sheegay in loo baahan in la ilaaliyo hay’adaha dawladnimada iyo wadahadallada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*