26th April 2024  admin  Category :

Dalka Tanzania waa mid dhaqaalihiisa kobcayey tobankii sanno ee la soo dhaafay 6 illaa 7 boqolkiiba . Dad badan oo ka mid ah shacabka reer Tanzania ayaa noloshooda isbedeshay kuwaas oo faqriga ka baxay. Isbeddelka dhaqaale ee dalka Tanzania waa mid ay ka soo shaqeeyeen dawladdihi isaga danbeeyay talada dalka.

Dalkaas waxa uu dhaqaalahooda ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha,dahabka, dalxiiska, macdanaha kalle iyo isgaarsiinta.  Marka la eego maceeshada dalka waa mid jaban oo aan sidaa qaali u aheen, sicir bararkana waa mid deggan.

Caasimada dalka Tanzania waxeey ahaan jirtay Dar al Salaam, meesha waqtigan loo raray Dodomo si magaalooyinka kalle ay u dhismaan. Hadaba, maxaa diidaya in caasimada Soomaaliya ee Muqdisho loo raro magaalo kalle?

Waxaa jira Soomaali iyagu ku leh ganacsiyo dalka Tanzania kuwaas oo dabcan la jaan qaaday kobaca dhaqaalaha ee dalkaas ka socda maadaama Soomaaliya aysan welli deggeneen.

Dadka Soomaaliyeed waxeey noqon karaan dad la tartama wadamada kalle ee aduunka haddii ay iska dhaafaan qabyaalada, dawarsiga shisheeyaha, cadaalad darrada, xasadka iyo musuqmaasuqa.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*