26th December 2024 admin Category :
Maamulka Jubbaland ayaa ku xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo labo ka mid ah ilaaladii Bre Hiiraale oo ay Dawladda Faderaalka Soomaaliya soo magacawday.
Ilaaladii hore ee Bare Hiiraale oo caawa ku xiran garoonka diyaaradaha ayaa Dowladdu usoo magacowday inay Taliye iyo kuxigeen ka noqdaan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland.
Maamulka Jubland ayaa sheegay inay berito ay Muqdishoku celin doonaan ninka loo soo magcaabay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo kuxigeenkiisa Maxamed Ibraahim.
Maaha markii ugu horaysay ee Mooryaan laga soo diro Muqdisho, wagtigii la dhisayey maamulka Jubbaland Mooryaanta Cirka dhulka iyo baddaba waa ku imanyeen iyaga oo laga soo diray muqdisho oo ay ujeedadoodu ahayd inay carqaladeeyaan maamulkii la dhisayey