18th April 2024  admin  Category :

Ciidamada Dawlada Puntland iyo  isbahaysiga Cadawga Puntland  oo dagaal ku dhexmaray Magaalada Bosaaso

Ciidamo ka tirsan Puntland iyo isbahaysiga cadwga Puntland ayaa caawa waxaa iska hor imaad xoogan ku dhexmaray halka ay isaga darmaan wadada laamiga ah iyo jidka Sodonka ee magaalada Bosaso.

Halka Iska Hor-imaadkani ka dhacay ayaa ahayd Bar Kantarool oo Ciidamada Dawladu ay dadka iyo gaadiidkaba ku baaraan xiliya habeenkii ah.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare, waxaa ilo xog ogaal ah oo Warbaahinta Raadreeb.com ay xaqiijiyeen in Labo Qof oo shacab ah oo goobta dagaalku ka dhacay ka agdhowa ay ku dhinteen,halka Afar Askarina ay ku dhaawacmeen, lana gaarsiiyey Cisbitaalka Bosaoso.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xili saakadi hore maydka Shan dhallinyaro ah oo qoorta laga gooyey laga helay deegaanka Karin Qandalla oo ka tirsan Tuulooyinka Hoos Yimaada Degmada Qandalla ee Gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*