26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

Axmed Calisalaad Alle ha u naxariistee oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa guurtida gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta nabadeynta iyo horumarinta bulshada gobolka.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale u tacsiyaynayaa shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*