
18th July 2026 admin Category :
Kulan u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka socda hoyga Muqdisho uu ka daganyahay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan oo aan horay loo shaacin ayaa sida ilo wareedyo muhiim ah ay inoo xaqiijiyeen waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah xaaladda dalka gaar ahaan in la hakiyo dhaq-dhaqaaqyada gudaha dalka ah kadib faraglinta Isr***l ee madax banaanida Soomaaliya.
Guddigii farsamada ee dhawaan ay sameysteen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban 6-xubnood oo uu hoggaaminayo xog-haye Cabdullaahi Carab ayaa gaaray maanta Garoowe halkaas oo dhawaan uu shir ka furmi-doono,Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaana qodobada ay kaga hadlayaan kulankan caawa ee hadda u socda la sheegay inay qeyb ka yihiin arrimaha ku saabsan shirkaas qaban-qaabadiisu ay ka socoto Garoowe.







