7th May 2024  admin  Category :

Maxmed Xaaji Aadanka Ciise Maxamuud oo noqday Ina Cali Kooraha Nuur Axmed

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Majeerteen waa ka dhaqan xun yihiin Marabida Hartiga kale, waxayna u badan yihiin gobolka Nugaal.

Beesha Majeerteen, waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu taariikhda weyn uguna saamaynta badan dhanka hogaanka intii ay Soomaalidu wada joogtay . Waa beel ay ku weyn tahay midnimada dhexdooda ah  iyo degaan jacaylku, waana sababta ay u degan yihiin dhulka ugu baaxadda weyn inta Khariiradda Soomaaliya ku fadhido. Waxay kaloo caan ku  yihiin kan ka dulooba beesha  oo la ogaado inaanu farihiisa kala aqoon oo ceelka xooluhu ka cabayaan ka habaaba wax lama waydiiyo. Boowe kaasi waa nin liita ayaa laga horaysiiyaa magaciisa

Maxamed Xaaji Aadan, wuxuu ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Cabdraxmaan Faroole ka soo jeedo, waa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dawladdii Salbalaar ee Maxamed  Faarax Caydiid, maalmihii beesha Daarood lagu xasuuqayey ama laga barakicinayey magaalada Muqdisho.

Waa siyaasigii Mxamed Faarax Caydiid u raacay Kismaayo

Shirkii Beesha Majeerteen u gaarka ahaa ee ay ku doonayeen inay maamul u gaarka  ah  ku samaystaan  oo  ee lagu qaban jiray magaalada Qardho waa laga saaray Maxamed Xaaji Adan , isaga oo looga shakiyey inuu u basaasayo dagaal oogayaal ka jiray madaalada Muqdisho.

Maalmihii la samaynayey maamulka Puntlad oo Majeerteenku intooda badani aaminsanaayeen inay wax la qaybsadaan Hartiga intiisa kale, Maxamed Xaaji Aadan iyo Cabdiraxmaan Faroole, waxay ahaayeen kuwo ka soo hor jeeday arintaas.

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf markii loo doortay madaxweynaha Puntland, dagaalkii u horeeyey uu qaaday waxay ahaa Isbaaro uu Maxamed Xaaji Adan dhigtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Qardho. Markii laga qaaday wasiirka arimaha gudaha.

Maalintii Alshabaab qabsadeen Buuraha calmadow, oo madaxweyne Froole Puntland madaxweynaha ka ahaa, Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Somaliland ayaa waraystay Maxamed Xaaji Aadan. Wuxuuna u sheegay ” Buuralayda degaanka Galgala dagaalo badan baa ka dhacay oo khasaare sababay, dagaaladaasi maaha kuwo loo baahan yahay, sida qura oo laga nabadgeli karaana waxay  tahay in degaanadaas loo aqoonsado inay yihiin Somaliland”.

Maxamed Xaaji Adan waraysigan  marka uu bixiyey wax yar ka dib,  isaga oo huteelka Togwajaale ee magaalada Hargaysa ku sugan oo koox aan la sheegin la jooga ayaa isirdoonka maamulkaasi soo qabteen oo xabsiga dhigeen. Markii danbe waxay sheegeen in dhaqan xumo ka socotay huteelkaas.

Ugu danbayntii maanta waraysi uu bixiyey Maxamed Xaaji Adan, wuxuu ku sheegay in Beesha Isaaq ay soo xiraan xadkii Ingiriiska oo Dhulbahante iyo Warsangeli ay  xoog ku qabsadaan. Wuxuuna ogayn ninka ay horay u dayriyeen beesha Majeerteen oo madaxweyne ku xigeenka u ahaa dawladdii Salbalaar ee Maxamed  Faarx Caydiid in Harti oo dhami ay maanta midaysan yihiin oo guud ahaan difaacayaan Puntland. Waxna aan laga waydiineen raga Jeegaanta ku noqday beel ay la xidideen oo dumar ka guursadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*